Haddii aad leedahay Computer tallaabada ugu horaysa ee kula gudboon waa in aad ku dadaashid sidii aad uga hortegi lahayd waxa loo yaqaan Viruska, maadaama ay internetka ka buuxaan shufto u heellan samaynta aaladaha lagu dhibaateeyo computerka, computerkana uga difaaci lahayd weerarada ay soo qaadaan shuftada internetku.
Virus haddii uu aafeeyo computerka waxaa halis ah in ay tirtirmaan dhammaan barnaamijyada iyo macluumaadka kuugu kaydsan computerkaas, ama gebi ahaanba uu computerku noqdo hawl gab aan shaqaynayn.
Waxaa taas ka sii daran in computerkaaga loo adeegsan karo goob laga faafiyo Viruska oo lagu weeraro computerada kale adigoo aan ka war hayn.
Haddaba, in aad computerka ku rakibtid barnaamijyada loo yaqaan AntiVirus waa tallaabada koowaad ee ka hortagga Viruska. Waxaana jira barnaamijyo AntiVirus ah oo tayo wanaagsan, islamarkaasna lacag la’aan ah (sida aan hoos ayaan ku arki doono.)
Laakiin, barnaamiyadaas Antivirus-ka keliya laguma kaaftoomo ee waxa kale oo computerka lagu rakibaa barnaamiyada Firewall, kuwaas oo gidaar difaac ah u noqon kara computerka. Waxaana jira Firewalls tayo wanaagsan oo lacag la’aan ah.
Qoraal ay faafisay jariidadda PCMagazine horraantii 2013 ayay ku bilowday sidan:
Haddii aad akhrinaysid qoraalkan, islamarkaasna computerka uusan kuugu jirin barnaamij AntiVirus ah, hadda joogi akhrinta qoraalkan oo degdeg computerka ku rakib AntiVirus lacag la’aan ah, markaas waan kuu mahad celinayaa, maadaama aad ka qayb qaadatay yaraynta computerada aan difaaca lahayn, waxaadna ka qayb qaadatay yaraynta computerada la aafeeyey ee ay ka dhex adeegtaan shuftada internetku.
Arrintani in aysan yaraysi lahayn waxaa cadaynaya cilmi baaris ah samaysay shirkadda Symantec dabayaaqadii 2011 waxay ku ogaatay in shuftada/burcadda internetku khasaaradii ay sanadkaas geysteen ay kor u dhaafaysay $114 billion oo doolar, ayadoo khasaarada la gaarsiiyey $274 billion. Waxaa cilmibaaristaasi sheegtay in sannadkaas shuftada internetku saameeyeen 431 million oo qof oo qaan gaar ah, waxaana arrintaasi khasaarada ay ka geysatey dacalada dunida lagu qiimeeyey $388 billion oo doolar, taas oo isugu jirta khasaare toos ah iyo waqti lumis ay geysteen burcadda internetku (waa hanti maal ah, hanti maskaxeed iyo wati dhumay oo ay geysteen, marka ka taxadar).
Haddaba waxaa muhiim ah in computerka uu kuugu jiro AntiVirus iyo Firewall kaa difaaca burcadda Internetka.
AntiVirus: Ka hortagga Virus-ka Computerka
Waxaa jira barnaamijyo badan oo ah AntiVirus, waxayna isha ku hayaan in uu computerka soo wajaho Virus, markaas ayey seeftooda galka kala baxayaan, guntigana adkaysanayaan siay tabco ugu dhigaan Viruska. Waxaana halkan ku xuseynaa kuwo tayo wanaagsan oo lacag la’aan ah:
AVG: waa barnaamij difaaca ama ka hor taga Viruska
AVG waxaa laga soo rogan karaa http://www.avg.com/
ama toos ka soo rogo linkigan http://www.avg.com/us-en/free-antivirus-download
Avast: soo caan baxaysa sanadahan dambe, waxay difaacdaa Viruska computerka
Avast waxaa laga soo rogan karaa http://www.avast.com/
Avira: waa barnaamij tayo wanaagsan oo difaaca Viruska computerka’’.
Avira waxaa laga soo rogan karaa https://www.avira.com/
ama toos uga soo rogo linkigan https://www.avira.com/en/avira-free-antivirus
Firewall: Gidaarka Difaaca ama Gaashaan
Firewall waa barnaamijyo u dhaqma sida gaashaan computerka lagaga difaacayo barnaamijyada weeraraka ku soo ah. Waxa kale oo Firewall-ku ilaaliyaa in barnaamijyada kuugu jira computerka aysan internetka ku xiriirsamin adigoo aan ka war hayn.
Barnaamiyada Firewall ee lacag la’aanta lagu soo rogan karo waxaa kamid ah:
ZoneAlarm: oo waardiye u noqon kara computerka, uma ogolaado barnaamij aadan ogeyn in uu soo galo computerka ama barnaamij kuugu jira computerku u dhaqaaqo dhanka internetka.
ZoneAlarm waxa laga soo rogan karaa websiteka http://www.zonealarm.com/
ama toos uga soo rogo linkigan: http://www.zonealarm.com/security/en-us/zonealarm-pc-security-free-firewall.htm
Comodo: oo difaac u noqon kara computerka, waana barnaamij isku daya in aan computerka la soo dhex gelin.
Comodo waxaa laga soo rogan karaa websiteka http://www.comodo.com/
ama toos uga soo rogo linkigan http://www.comodo.com/home/download/download.php?prod=firewall
Nadiifin Computerka uu aafeeyo Viruska
Malwarebytes Anti-Malware waa barnaamijka ugu cawaandisan ee lagu nadiifiyo computerka uu aafeeyey Virus-ka. Waxaa xusid mudan barnaamijkan Malwarebytes uusan ahayn gidaar difaaca viruska kusoo wajahan computerka, balse arrinta aan lagu gaarayn waa nadiifinta computerka kaddib marka uu saameeyo virusku.
Malwarebytes waxaa laga soo rogan karaa https://www.malwarebytes.org (FG: waxaa uu ka kooban yahay qayb lacag ah iyo qayb lacag la’aan ah)
Comodo Cleaning Essentials Waa barnaamij aan wax badan ka liidan Malwrebytes, waxaana uu ku wanaagsan yahay in computerka uu si xeel dheer uga nadiifiyo Viruska.
Talo gaar ah
Waxaa muhiim ah in computerka ay kuugu jiraan hal AntiVirus iyo hal Firewall. Sida kor ku xusan AntiVirusku wuxuu isha ku haynayaa Viruska, halka Firewall ahaanayo gidaar difaaca barnaamijyaad weerarka ku soo ah computerka.
Waxaana muhiim ah in aad ku baraarug-sanaatid in aaladahaas difaacu aysan boqolkiiba boqol difaaci karin weerarada joogtada ah ama cusub ee burcadda internetka. Sidaas daraadeed waa in markasta koobi (Backup) ka samaysatid barnaamijyada muhiimka ah ee kuugu jira computerka, si haddiiba khasaare dhacdo aad u haysatid nuqul ama koobi.
Waxaa kale oo muhiim ah in aad ka taxadartid computerada dad u dhexeeyaha ah ama yaala goobaha loo yaqaan Internet Coffee.
Talada Akhristayaasha
Fadlan hoos ku qoro wixii talo ah oo aad soo jeedineysid ee la xiriira difaaca computerka iyo haddii ay jiraan dhibaato kaa soo martay Virus computerka kaa aafeeyey, si looga taxadaro, la wadaag akhristayaasha.
Waxaan rajaynayaa in casharkan kooban aad ka faa’iidey.
No comments:
Post a Comment