w:q
"fahad cabdi cali"
Casharka koowaad waxaan kuu qaadanaynaa qaybaha computerka iyo waxa uu
Computer ku yahay
Computer introduction
Runtii sida ay dad badan qabaan ama dadka aan koonbuyuutarka aqoon sidaas ah aan ulahayni waxay koonbuyuurtarka barashadiisa moodan maado yar oo sidaas usii gaaban laakin in technology-yada waxa loogu yeedho ay computer tahay hadaan ogaandoontaa
Intaanan ugudagalin waxa uu koonbuyuutarku yahay waxaan jeclahay inaan iyar kahadlo computerka iyo saynisku siday isugu xidhan yihiin
Sida aad ogtihiin saynisku waxa uu kakooban yahay afar maado oo kala ah
· Biology
· Chemistry
· Physics
· Math
Markaas sidaan kor kusoo sheegnay waxaynu nidhi computerka waxa uu yahay technology-yad technology-yaduna waxa weeye physics iyo baahida guud ee dadku uqabo sayniska oo laysku daray halkaa waxaa kaaga muuqata inuu koonbuyuutarku yahay qayb soo hoos galaysa ama asalkeedu kasoo jeedo saynis markaas
Hadaba yaanan ku dheeraan halkaas ee aan kasoo noqdo
Computer definition
Qeexida computerku waxa ay tahay
Computer-ku horta waa erey English ah oo macnihiisuna yahay processor ama socod siiye taas macnaheedu waxa weeye hawlwade markii loo dirsado inlaa laga joojiyo ama isagu iska joojiyo
Hadaan computer-ka waxa lagu qeexo usii daadago waxa weeye computer-ku sidan soo socoda
Computer-ku waa mashiin koronto kushaqeeya kaas oo awood uleh inay aqabasho waxa loogu yeedho”DATA” ama xog macluumad.
Hadaba inkastoo computer-ku aanu fakarinin waxa uuu xalinkaraa howlo aad ubadan kuwaas oo computer-la’aantiis aan laqabankareen.
Sidaas oo ay tahay hadana computer-ka laftigiisa haday dhibaato ku dhacdo maxalinkaro
Tusaalo ahaan hadii uu kajabo meel uun madhahayo halkaas ayaan kajabaye hala iga sameeyo ama isagu makabanayo meeshii uu kajabay meelkasta ha ahaatee
Hadaba computer-ka hadaynu ufiirsano waxa uu leeyahay labo ciladood sidaynu korka ku aragno kuwaas oo ah.
Waxaad ogatahay qofka bini aadamka ah waxa uu wax ku xalin karaa maskax iyo faker
Sidaa oo ay tahay waxa uu awoodaa in uu qofku naftiisa dhibaatada ku dhacda uu sheegto oo markaas laga daweeyo ama uu isagu iska daweeyo
Markaas computer-ku mafakarayo hadana wax walba oo looga baahdo waa uu qabanayaa hadana ma awoodo waxa isaga naftiisa ku dhaca inuu wax kaqabto markaa waxaaaba la odhan karaa computerku waa geed naftiisa aan wax uqabankarin waayahaye maxaa kagalay howlaha kale ee dadka waa arin layaab leh
Computer-ka hadii aad usii daadagno waxa uu ukala baxaa labo qaybood oo kala ah
Hardware
Software
Runtii labadan qaybood mid kasta waa bad barashadisu waxayna qaadataa waqti dheer in ladhameeyo laakin waan soo koobaynaa.
Waxaynuna ku horaynaynaa software-ka.
Hadaba software-ka waxa lagu qeexaa sidan soo socota.
The program which the computer runs called software.
Hadaba aynu fasiree ,program-yada uu computer-ku, ku shaqeeyo waxaa loo yaqaan software.
Hada aan qeexida hardware-kana raaciyo
The actual machinery is called hardware.
Software-ka intaynaan udaadagin horta isaguna waxa uu ukala baxaa labo qaybood oo kalla ah
· Operating system software
· Application system software
Labadan qaybood ee sarena waxaynu ku horaynaynaa qaybta hore ee ah
Operating system software qaybtan waa qaybta ugu horaysa ee computer-ka la’aantood aanu shaqaynayn hadii aan lagu shubin marka lasoo iibiyo qaybtan waxay suura galisaa in computer-kaagu ahaado computer-shaqaynaya hadaba
sida kamuuqata macnaha erayga operating system software
qaybtan way kala duwan tahay wayna kalla casrisan tahay tusaalo ahaan waxaa jiray operating system software la odhan jiray
Windows N.T
Windows 1.3
Windows 95
Windows 98
Windows 2000
Windows XP
Sidoo kale waxaa windows yadan qaybkamida lala isticmaali jiray Microsoft operating system soft ware (DOS)
Kuwa hada la isticmaalo waxaa kamida window XP
Oo hada casri ah. Kuwa kale laftigooda layskama dayn ee waa la isticmaalaa
;
No comments:
Post a Comment