BANNER PAGE

;

Saturday, July 4, 2015

baro cilmiga HTML

hordhaca HTML

waxa qoray qoraa sare:
"fahad cabdi cali"
HORDHACA QORMADA HTML
Sida aan wada ogsoon nahay bogga Internet-ka waxaa lagu dhisaa ama lagu naqshadeeyaa xeerar u gaar ah, kuwaas oo la’aantood uusan soobaxayn ama la arki karayn wixii kuqorraa boggaas. Xeerarkaas iyo habka laraaco marka ladhisayo bog-internet ah waxaan u baran doonaa sida ay asal ahaan u qormaan, waxaana ku tarjumi doonaa Afka Soomaaliga. Waxaana kudadaali doonaa in xeerarka asalka ah ee naqshadaynta bogga-shabakadda internetka aan kusoo qoro Afka Ingiriiska, taas oo markaas akhristaha u sahleysa in uu fahmi karo marka uu tixraacayo qaybo kale oo HTML ah kuna qoran luqad aan ahayn Af-soomaali..
Maadaama luqadda ay xeerarka naqshadaynta shabakadda Internetku ay yihiin kuwo kuqoran luqadda Ingiriiska, waxaa dhici karta in tarjumidda qaybo kamid ah ay adkaato in loo helo kelmeddo u dhigma Afkeena Soomaaliga. Waxaana akhristayaasha ka codsanayaa in wixii talo iyo tusaale ah ee laxiriira eray-bixinta HTML ay si toos ah ugu soo daabacaan qaybta Eray-Bixinta ee SomaliTalk.com, halkaas oo aan tixraaci doono, insha Allah..
WAA MAXAY HTML?
HTML waa xarfo lasoo gaabiyey, waxayna u taagan yihiin: [Hyper Text Markup Language]. Waana habka suurtagalka kadhigaya in qoraalada laga arki karo shabakadda internet-ka. Waana habka rasmiga ah ee lagudhiso ama lagu naqshadeeyo bog Internet-ka si uu ugu soo saaro Shaashadda Shabakadda Iskuxiran [WWW] oo la macne ah [World Wide Web]. Marka aad siwacan u taqaanid HTML waxaad dhisi kartaa bog shabakadeed cawaandi ah oo weliba si heer sare ah u naqshadaysan ee haka caajisin barashada casharradan.
ADEEGSIGA “NOTEPAD”
Inata aynaan bilaabin casharka koowaad waxaa haboon in marka hore aan isla garano barnaamijka aan adeegsaneyno in uu noqondoono ‘NOTEPAD’, Kaas oo lagaheli karo Kambiyuutarkasta. NOTEPAD waa barnaamij adeegsigiisu aad u sahlan yahay, waxaadna ka heli kartaa: Start > Programs > Accessories > Notepad.
Marka aan samayno bog ama [file], waxaan ku xafidi doonaa NOTEPAD, inaga oo raaci doonna habkan: File > Save As > Save in [halkaas karaadi khaanadda aad rabtid in aad ku xafidid] > File Name [halkaan kuqor magaca bogga adiga oo ku lingaxaya .html] > Save. Meesha aad ku xafideysaana waa Digsiga [Disk] ama Saxanka-Adag [Hard-Drive] hadba kii kuu sahlan.
Lingax waxaan uga jeedaa marka aad magaca u bixineysid bogga waxaad raacineynaa .html. Tusaale ahaan waxaad bogga u bixisay “koowaad”, waxaad markaas lagaaga baahan yahay in aad qortid koowaad.html
DAALACASHADA BOG HTML KU QORAN
Marka aad HTML ku qortid NOTEPAD, isla mar ahaantaasna aad xafidid [save], waxaa u baahan tahay in aad aragtid qoraalkii, waxaana lagu arkikaraa daalacdaha ama [browser], kuwaas oo ah Internet Explorer iyo Netscape (inkasta oo ay jiraan kuwo kale, waxaase badanaa kambiyuutaradda kujira labadaas daalacde).
Si aad u furtid boggii oo markaas aad u daalacatid waxaad mareysay habkan:
Haddii aad adeegsaneysid Internet Explorer:
File > Open > Browse > Look In [Halkaan kabaar khaanaddii aad ku xafidday boggii ama File-kii hore] [Kaddibna Guji file-ka si magicii uu uga muuqdo halka ay ku qorantahay File Name] >Open
Haddii aad adeegsanesid Netscape:
File > Open Page > Choose File > Look In [Halkaan kabaar khaanaddii aad ku xafidday boggii ama File-kii hore] [Kaddibna Guji file-ka si magicii uu uga muuqdo halka ay ku qorantahay File Name] > Open
FIIRO GAARA: Waxaa lagayaabaa noocayada [Browser-radu] ay kala duwan yihiin, balse fikrad ahaan aad ayey isugu dhow yihiin habka loo daalacanayo bog kuqoran HTML. Xusuusnow in DAALACDAYAASHANI ay yihiin kuwa aad had iyo jeer adeegsatid marka aad Shabakadda Internetka dhex mushaaxeysid. Balse khasab ma aha in aad Internet-ka ku jirtid marka aad daalacaneysid boggii [file-kii] aad ku xafiday Digsiga ama Saxanka-Adag.
fadland wixii suaal iyo cabasho ah noogu soo dira cinwaanadan hoose:
info@somcomputers.us.tc
ama
caawin@somcomputers.us.tc

Sidee WordPress-ka looga Xannibi Karaa Jawaabaha ay soo diraan Shuftada Internetka (Spam)


Waxaa websitekayga lagu wareeriyey jawaabo (Comments Spam) ay soo dirayaan shufto, ayagoo ku soo diraya  qaybta jawaabaha  ee WodPress, maxaan iskaga difaacaa? Sidee u loo xannibi karaa ‘Comments-ka’ ay soo diraan shuftada internetka? Barnamij nooce ah aaa website-ka lagaga xannibi karaa Jawaabaha Spam-ka ah? Waxaa qaybta ‘Comments’ ee website-kayga lagu asqaysiiyey spam, maxaan ka sameeyaa?.
Su’aalahaas iyo kuwo la mid ah ayaa waxaa marar badan isoo weydiiyey akhristayaasha somali computers, sidaas daraadeed waxaan casharkan ku baran doonaa farsamada (Tab iyo Xeelad) la adeegsado si WordPress-ka looga xannibo Spam-ka.
Barnaamijka “Akismet”
Waxaa jira  barnaamijyo ama siyaabo badan oo website lagaga xannibo Spam-ka, gaar ahaan Spam lagu soo qorayo qaybta Jawaabaha ee WordPress-ka. Waxaana barnaamij-yadaas kamid ah Akismet, oo ka hortaga jawaabaha ama Comments-ka ay soo diraan shuftada Internetka.
Sidee u shaqeeyaa Barnaamijka “Akismet”
Marka la rakibo WordPress-ka waxaa la socda link laga agaasimi karo barnaamijka Akismet. Haddaba si aad WordPress-ka ugu rakibtid barnaamijkaas, raac habkan:
1. Riix batoonka Plugins ee dhanka bidix ee shaashadda laga maareeyo WordPress.
2. Markaas riix riix linkiga “Activate” ee ku hoos qoran ‘Akismet. Halkaas waxay muujinaysaa in barnaamijka Akismet diaar laga dhigayo si uu ugu rakibmo WordPress’.
3. Waxaa markaas riix linkiga ka  ka muuqan doona dhanka sare ee shaashadda oo ay ku qoran tahay sidan:
  • Akismet is almost ready. You must enter your Akismet API key for it to work.
4. Waxaa markaas soo bixi doona shaashadda lagu qori doono lambarka xanibaada (oo ah Akismet API key). Lambarkaas si aad u heshid waa in aad booqatid website-ka http://akismet.com/wordpress/ama riix linkiga ay ku qoran tahay “Get your key” ee shaashadda.5. Markaas riix batoonka ay ku qoran tahay “Get an Akismet API key” (Waa websiteka  http://akismet.com/wordpress/).6. Shaashadda xigta waxaa ku qoran in aad furaha ku heli kartid lacag ama lacag la’aan. Markaas si aad laca gugu heshid, isla markaasna website-kaaguna uu yahay mid shakhsi ah (personal), markaas riix batoonka ‘Sign Up‘ ee ku hoos qoran qaybta “personal“.7. Shaashadda xigta barta ay ka muuqato lacagtu, batoonka yar ee ku dhex yaal u jiid dhanka bidix ilaa lacagtu ka noqoto eber ($0.00/yr).8. Markaas buuxi foomka meelaha ka bannaan, ku qor magacaaga iyo emailkaaga (Waa in emailku ahaato mid sax ah waayo waa meesha uu kuugu soo dhici doona lambar (API key) ee aad ku qori doontid shashadda WordPress-ka). Waxaana muhiim ah in aad akhridid shuruudaha adeegsiga Akismet, kaddib riix batoonka “Continue“.9. Waxaa markaas soo bixi doona shaashad kuu muujienysa in ay kuu soo direen email.
10. Tallaabada xigta waa in aad furtid emailkaaga. Waxaana kuugu soo dhacay email xambaarsan lambarro iyo xarfo gaar ah (Akismet API key). Koobi ka samaysaa lambarrad iyo xarfaha ku hor qoran barta “Your Akismet API key is:”
11. Markaas ku laabo shaashaddii WordPress-ka ee websitekaaga, gaar ahaan qaybtii Akismet (oo linkigeedu ka muuqdo dhanka sare ee shaashadda laga maareeyo WordPress). Markaas meesha bannaan ee ka hooseysa barta “Please enter an API key” ku qor lambaradii iyo xarfaha kuugu soo dhacay emailka.
  • FG. Waxaad hubisaa in ay calaamadsan barta ay ku qoran tahay “Auto-delete spam submitted on posts more than a month old.” Waayo jawaabaha shuftadu marka ay ku leexdaan qaybta Spam-ka, waxay markas is masaxayaan bil gudaeed.
12. Kaddib riix batoonka “Update Options” si aad u rakibntid furaha Akismet. Waxaa markaas shaashada ku qormi doona “Your key has been verified. Happy blogging!”. tas oo muujinaysa in furaha API Key uu ku rakibmay WordPress-ka. Isla markaasna waxaa shaashadda ka masaxmaya qoraalkii dhanka sare ee ahaa “Akismet is almost ready. “You must enter your Akismet API key for it to work.”
Halkaas marka aad soo gaartid waxaad ku guulaysatey in aad Akismet API Key ku rakibtay Wordress-ka. Taas oo ka qayb qaadan doonta xannibaada Spam-ka.
FG: Haddii ay dhacdo in Spam uu soo dhaafo difaaca Akismet, markaas waxaad riixdaa linkga Spam ee qaybta laga mareeyo Jawaabaha (Comments), taas oo muujineysa in jawaabtaas aad ku astaysay in ay soo direen shufto.
Waxaa xusid mudan muhiimadda ay leedahay in qaybta jawaabaha ee WordPress-ka aan lag dhigin kuwo toos uga soo baxa websiteka. Waa in marka hore la marsiiyo hubin oo maamulka websiteku uu akhriyo kaddibna uu aqabalo ama diido jawaabaha.  Waxaana qofka jawaabta qoray uu arkayaa “your comment is awaiting moderation“.
Taas si loo xaqiijiyo, riix barta Settings ee dhanka bidix ee shaashadda WordPress. Kaddib riix linkiga “Discussion“. Markaas calaamadi barta “An administrator must always approve the comment“. Wixii markaas ka dambeeya haddii jawaab lagu qoro website-ka waxay noqoneysaa mid sugta in la aqbalo.
Qeexid: Waa Maxay SPAM?
  • Spam waxa uu noqon karaa qoraallo tirada ka badan oo lagu soo diro qaybta jawaabaha ee WordPress-ka, waxay noqon karaan xaysiis aan loo meel deyin, qoraallo maalaa-yacni ah oo ay soo diraan shuftada Internetka, iyo waxyaabo aan ku haboonayn anshaxa oo lasoo dirayo.
Fursada kale oo lagu xannibo Spam-ka
Sidaan kor ku xusay waxaa jira qaabab badan oo loo xannibi karo Spam-ka lagu soo diro qaybta jawaabaha WordPress-ka. Waxaana hababkaas ka mid ah:
Waxa kale oo la adeegsan karaa xeerar xannibaya SPAM-ka oo lagu qoro faylka .htaccess, sida in la mamnuuco ama la xannibo IP address-ka computerka laga soo diray jawaabta .

No comments:

Post a Comment